Shaqaaqo qasaare nafeed geysatay oo ka dhacday duleedka degmaada Afgooye ee gobolka Sh/hoose
Tuesday, 14 April 2009 07:44
Hal ruux ayaa geeriyooday labo kalena wey ku dhaawacmeen ka gadaal markii fiidnimadii xalay ay shaqaaqo gacan ka hadal ah ka dhacday tuulada Qodqodey oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose sida wararka halkaasi ka imanaya ay sheegayaan.
Donald Payne: "Waxaan u imaanay Muqdisho sidii aan ula kulmi laheyn Madaxda Soomaaliya iyo qiimeynta xaalada dalka"
Monday, 13 April 2009 17:55
Donald Payne oo ah xubin ka tirsan Congareska Mareykanka oo manta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa Saxaafada ugu warbixiyay safarkiisa iyo ujeedada socdaalka wuxuuna sheegay in ay u yimaadeen Muqdisho sidii ay ula kulmi lahaayeen Madaxda dalka Soomaaliya iyo qiimeyn xaalada dalka ay ku sameynayeen.
Cumar Xaashi "In dad ajnabi ah oo Afganistan laga keenay iyo meel aanan garaneynin in dagaalada sii wadaan kama yeeleyno, waa in iyaga lagu jihaadaa"
Sunday, 12 April 2009 17:22
Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa ugu baaqay Ciidamada Xooga dalka inay isu diyaariyaan dagaal jihaad ah oo ka dhan ah buu yiri kooxaha wali dagaalada wada.
Asaaskii Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed oo laga xusay guud ahaan Puntland oo dhan & Taariikh kooban oo ku aadan Ciidamadii Xooga Soomaaliya.
Sunday, 12 April 2009 17:14
Dhuula tus Milateri oo lugu xusayay maalintii la asaasay ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed oo ku aadaneyd 12-April-1960-kii, ayaa maanta lugu qabtay deegaanada Puntland, gaar ahaana magaalo Madaxda dawladda ee Garowe ayadoo ay dhuulatusyo milateri soo bandhigeen ciidamada xooga ee dawladda Puntland.
Meles Zenawi oo taageeray Madaxweyne Shariif.
Sunday, 12 April 2009 17:13
Ra'iisul wasaaraha Ethiopia Miles Zenawi oo wareysi siiyay Tv-ga BBC ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka socda Somalia aysan ahayn kuwo ay argagaxisad lug ku leedahay, balse ay tahay caqabad la isku hortaagayo howlaha dowlada cusub. |
More Articles...
<< Start < Prev 1 2 3 Next > End >>
Page 1 of 3
Home


