Hal ruux ayaa geeriyooday labo kalena wey ku dhaawacmeen ka gadaal markii fiidnimadii xalay ay shaqaaqo gacan ka hadal ah ka dhacday tuulada Qodqodey oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose sida wararka halkaasi ka imanaya ay sheegayaan.

Shaqaqadan ayaa bilaabatay ka dib markii dad kasoo kala jeeda beelo halkaasi wada dega ay isku qabteen qaabka loo qeybsanayo biyo deeq ah oo halkaas lagu gaarsiiyey booyad taasoo keentay in murankii ka dhashay uu isku bedelo gacan ka hadal sababay qasaarahan dhimashada iyo dhaawaca leh.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa dhamaantood ka mid ahaa dadkii halkaasi isku fara saaray oo dagaalkooda u adeegsaday qoryaha fudud, waxaana mid ka mid ah dadka dhaawaca ah oo xaaladiisu ay aheyd mid qatar ah loo soo qaaday dhinaca magaalada Muqdisho, halka 2-da kale ay jiifaan isbitaalka degmada Afgooye, waxaana degan xaalada deegaankaasi ay shaqaaqadu ka dhacday iyadoo waxgaradka tirsan labada beelood ay hadda xaalada gacanta ku hayaan sida wararku ay sheegayaan.