Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa ugu baaqay Ciidamada Xooga dalka inay isu diyaariyaan dagaal jihaad ah oo ka dhan ah buu yiri kooxaha wali dagaalada wada.
Isagoo ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Xarunta Villa Baydhabo oo lagu maamuusayay 49-guuradii ka soo wareegatay aas aaskii Ciidamada Xooga Dalka ayaa Wasiirka Amniga ku dheeraaday marxalada iminka uu marayo dalka, isagoona sheegay in dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho ay ku lug leeyihiin kooxo shisheeye.

"Maanta waxaan idiin sheegayaa waad arkayseen shalay wixii dhacayay, waxaaba loo moodayaa in aysan jirin wax ciidan ah oo wax tari kara, ma waxaasi ayaan u sii jeedi karnaa, in dad ajanabi ah oo Afghanistan laga keenay iyo meel aanan garanaynin in dalkeena la keeno oo ay danaheena burburiyaan oo qaraxyo sameeyaan oo ay bastoolado qaataan oo ay dadka toogtaan, ma waxaasi ayaan yeeli karnaa oo aan u dul qaadan karnaa"ayuu yiri Col Cumar Xaashi isagoo ka muuqatay caro xoogan.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in haatan iyo wixii ka dambeeyay ay Dowladda waajibkeeda gudan doonto, isagoona ugu baaqay Ciidamada Xooga inay u diyaar garoobaan in cadawga gudaha inay shacbiga ka difaacaan.

"Ma kala ganbaneyno, runtaan idin sheegeyaa qaa'inul wadanka waa in aan qabanaa, shisheeyuhu dadka ay soo adeegsadeen waa in dalka laga qabtaa, anagu raali kama nihi in shacabkeena la laayo"ayuu mar kale ku celiyay Col. Cumar Xaashi.

Waxaa uu sheegay in Dowladda haatan ay diyaar u tahay inay qaadato shareecada Islaamka, laakiin waxaa uu tilmaamay in aanay taasi cidna u muuqan isagoona yiri "Waxaan u soo dagaalanay in dalkeena ay Ethiopia nooga baxdo hadii ay rabeen in Ethiopia baxdo waa ay baxday hadii ay Diin rabeen Dowladda shareecadda islaamka ayay qaadatay, wixii hada ka dambeeya in iyaga lagu jihaado weeye wax diin ah oo ay shaqo ku leeyihiin ma lahan.

Hadalka Cumar Xaashi oo ahaa kii ugu kululaa ee uu ku weeraro kooxaha wali dagaalada kala soo horjeeda Dowladda ayaa ku soo beegmaya xilli maalinimadii shalay ay madaafiic ay dadi ku dhinteen ay ka dhacday Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu bartilmaameedsanayay Dekeda Muqdisho oo uu ku xirnaa Markab shixnad milateri u siday Ciidamada AMISOM.