Dhuula tus Milateri oo lugu xusayay maalintii la asaasay ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed oo ku aadaneyd 12-April-1960-kii, ayaa maanta lugu qabtay deegaanada Puntland, gaar ahaana magaalo Madaxda dawladda ee Garowe ayadoo ay dhuulatusyo milateri soo bandhigeen ciidamada xooga ee dawladda Puntland.
Dhoola tuskan ayaa ka dhacay xeradan 54aad ee kutaala duleedka magaalada Garowe, waxaana halkaasi hadalo qiiro xambaarsan oo ku aadan xuskan ka jeediyey Madax ka tirsan dawladda Puntland, kuwasoo horay uga soo mid ahaan jiray ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed kana soo qeybgalay dagaaladii lugu difaacayay xornimada Jamhuuriyada Soomaaliya.

Fanaantiinta Puntland ayaa sidoo kale ku soo bandhigay halkaasi heeso wadani ah oo muujinaya qeymaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ay lahaayeen, waxaana lasoo bandhigay heeso horay loogu qaaday ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed, ayadoo ay dad badan maanta xasuus galeen.

Taliye kuxigeenka ciidamada Xooga ee deegaanada Puntland oo hadal ujeediyey markii ay Madaxdii halkaasi joogtay salaan ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la saacido ciidamada, luguna taageero fulinta waajibyadooda qaran ee ay gudanayaan, aana laga hor imaan wuxuuna tilmaamay in ay ciidamadu yihiin kuwa dastuurka Puntland siiyay awood qeexan oo ah in ay yihiin Nabad ilaaliyaasha iyo soo celiyaasha ciida Puntland.

1960-kii ayaa markii ugu horeysay la sameeyey ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, ayadoo waqtigaas ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumeystayaashii mudada talada dalka heystay,waxaana Taliyihii ugu horeeyey noqday waqtigaasi Jen. Daa'uud Cabdile Xirsi (Jen. Daa'uud), waxaana kuxigeeno unoqday Jen. Maxamed Siyaad Barre & Jen. Maxamed Ibraahim Axmed (Jen. Liiq-liiqato), wixii xiligaasi ka dambeeyey ayaa la balaariyey ciidamadii Xooga dalka, ayadoo la sii sameeyey ama la dhameystiray qeybaha ciidanka xooga daka Soomaaliyeed.

1977-dii waxa ay ciidamadii Xooga dalku dagaal adag la galeen ciidamadii dawladda Itoobiya ee waqtigaasi, dagaaladaasi oo ay ciidamadaasi ka soo hoyiyeen guulo waa weyn oo ay xasuustaan dad badan oo Soomaaliyeed oo waqtigaasi noolaa ama joogay, waxaa ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ay qabsadeen dhulka Itoobiya in badan oo ka mid ah, ayagoo ka soo baxay markii ay dawladii Soomaaliya la kulantay hanjabaado uga yimid dawladdaha reer galbeedka oo lasoo saftay dawladii laga adkaaday ee Itoobiya.

09-April-1978-dii Saraakiishii ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed qaar ka mid ah ayaa isku dayay xukun la wareegid fashilmay, waxaana ragii hogaaminayay ee loo dilay ka mid ahaa Col. Maxamuud Sheekh Cismaan (Col.Ciro), oo ahaa taliyihii ciidamada difaaca cirka ee dalka Soomaaliya, waxaana tuhun ahaana loo qabey in uu wax ka ogaa cinqilaabkaasi dhicisoobay Madaxweynihii hore ee dawladda Faderaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed, wixii ka dambeeyey waqtigaasi wuxuu C/laahi Yuusuf ka baxay ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed, isagoo madax unoqday Jamhadii ugu horeysay ee la dagaalantay xukuumadii Milateriga ahayd ee Soomaaliya.

1989-kii oo ay tabardarneyd dawladii Jen, Maxamed Siyaad Barre, waxaa hogaaminayay ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Jen. Maslax Maxamed Siyaad, ahaana wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre,oo dhawaana looga guuleystay tartankii Madaxweyne-nimada Soomaaliya ee Jabuuti ka dhacday.

Markii ay sii liicaysay awoodii dawladdii Kacaanka ee Milateriga ahayd 1990-kii waxaa ciidamada xooga dalka Soomaaliya, si toos ah loo hoosgeeyey wasaarada gaashaandhiga ee dalka Soomaaliya oo uu waqtigaasi maamulayay Madaxweynihii iyo kuxigeenkiisii, waxa ayna ciidamadaasi ku milmeen dagaaladii Sokeeye ee dalka ka dhacay.

Maanta oo ay bishu tahay 12-ka April sannadka 2009 wax ciidan xooga dalka Soomaaliyeed ah kama jiraan dalka, kuwaaso leh qibradihii iyo tababaradii ay lahaayeen ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed,waxaana Soomaaliya ka jirin dawlad daryeel wanaagsan ufidisa ciidamadii hore oo ka dhaxasha waayo-aragnimadooda ku aadan mudadii ay difaacayeen dhulka Jamhuuriyada balaaran ee Soomaaliya, waxaana hada DFKMGS ciidan u ah maleeshiyooyin lugu keenay hab qabaa'il, isla markaasna aan awood ulaheyn qabashada ama gudashada howlaha waajibaadka qaran ee ka saaran dalka Soomaaliya ama aananba ogeyn waajibaadka saaran.