Ra'iisul wasaaraha Ethiopia Miles Zenawi oo wareysi siiyay Tv-ga BBC ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka socda Somalia aysan ahayn kuwo ay argagaxisad lug ku leedahay, balse ay tahay caqabad la isku hortaagayo howlaha dowlada cusub.

 

Zenawi oo la weydiiyay sida uu u arko Islaamiyiintii Somalia ee ay ciidamadiisu muddo laba sano ah kula dagaalamayeen gudaha Somalia ayaa ku jawaabay:

"Kooxahaas waxaa hogaaminayay Sheekh Shariif, haatana waa Madaxweynaha Somalia , waana is aragnay, mana qabo inay dagaal doonayaan" wuxuuna intaas raaciyay: "Wuxuu ii sheegay inuu dalka Somalia ku maamulayo diinta Islaamka".

Ra'iisul wasaaraha Ethiopia Miles Zenawi ayaa xusay in dhibaatada ka jirta Somalia aysan iyaga quseyn, balse ay tahay mid u taala Somalida, isagoo carabka ku dhajiyay in dalkiisu uu gacan siinayo xukuumada cusub ee shaqeysa.

Ethiopia ayaa sanadkii 2006 ciidamo ka badan 20,000-askari ka talaabisay xuduudaha ay la wadaagto Somalia, si ay gacan u siiyaan TFG oo uu xiriir wanaagsan ka dhexeeyay, balse faragelintaas ayaa keentay khasaare badan.

Su'aal ahayd aragtidiisa haddii Sh. Shariif uu dastuurka dalka u badalo Kitaabka Qu'aanka, maadaama uu taageersan yahay in dalka lagu maamulo diinta Islaamka ayaa yiri: "Waan soo dhaweynaynaa, waayo Sh. Shariif waan kulanay waxaana uu noo sheegay inay ka go'an tahay inuu nabad kula noolaado dalalka dariskiisa ah sida Ethiopia , sidaa daraadeed nooma muuqato sabab aan ku diidno xukunkooda".

Zenawi oo adkeynaya hadalkiisa ayaa intaas raaciyay: "Anagu waxaan maamulaa Ethiopia , waxaana ku khasbanahay inaan soo dhaweyno talaabo kasta oo Somalia lagu xasilinayo".

Mar la weydiiyay cabsida uu ka qabo Al-shabaab oo isku balaarinaysa koonfurta Somalia , gaar ahaan deegaanada xuduuda ku dhow ayuu kaga jawaabay: "Ma filayo in Al-shabaab ay awood leedahay xiligan, waayo horay ayaan u dhabar-jabinay awoodoodii".

Ra'iisul wasaaraha Ethiopia wuxuu walwal aan buurnayn ka muujiyay xuduudaha dalkiisa, isagoo xusay inay difaacan doonaan xuduudahooda, haddii ay khatar dareemaan, balse wuxuu iska fogeeyay inay qorsheynayaan inay dib ugu laabtaan Somalia .

Dhanka kale, mar wax laga weydiiyay xaalada Ismaamulka Somalida ee Ethiopia ayuu sheegay in haatan ay sidii hore ka wanaagsan tahay, isagoo gaashaanka ku dhuftay in dowladiisu ay wariyeyaasha iyo hay'adaha gargaarka u diiday inay gobolka Somalida booqdaan.

Su'aal ahayd inuu xilka ka dagayo, maadaama ay mucaaradku sidaas soo jeediyeen, ayuu ku jawaabay isagoo dhoola cadeynaya: "Waan ka dagi doonaa xilka, balse ugama dagayo damac shaqsiyadeed iyo mid koox".

Miles Zenawi ayaa dalka Ethiopia Ra'iisul wasaare ka ahaa tan iyo markii la riday xukuumadii Col. Mingistu Haile Mariam 1992, waxaana jira kooxo mucaarad ah oo si weyn u dhaliilsan xukunkiisa.