Kooxo dablay ah ayaa xalay rasaas ku furay dad jameeca ahaa oo ku Tukanayay Masaajid ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug. Halkaasi oo ruux uu ku dhintay, seddex kelana ay ku dhaawacmeen.

Guud ahaan dadka tacshiiradaan ku wax yeelloobay ayaa ahaa  Jameecadii masaajidkaasi ku soo tukaday Salaadii Cishaha ee xalay, waxaana wararku sheegayaan in ay dadka dhaawac ah labo ka mid ah yihiin waddaada caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo dhanka arrimaha faafinta diinta Islaamka kana tirsanaa culumo diimeedka loo yaqaano Tabliiqa. Kuwaasi oo dhaawacooda loola cararay cusbitaal ku yaala koonfurta magaalada Gaalkacyo si halkaasi loogu dabiibo.

Lama oga sababta iyo cidda ka dambeysay werarkaasi xalay lagu qaaday masaajidka. Maamulka koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug, ayaa sheegay inay baarrayaan waxa keenay weerarkaasi.