Magaalada Muqdisho ayaa 24-kii saaacadood ee la soo dhaafay waxaa la helay Maydad Qalfoof dad rayid ah oo laga helay saldhigyo ay magaaladaasi ka daganaayeen ciidamadii Ethiopia ee Soomaaliya hawlgalka u tagay.

Maydadka la helay oo gaaraya 5 qof ayaa laga helay Saldhigyada ay ka mid yihiin  Garoonka Ciyaaraha, xaruntii TV-ga iyo deegaano ka agdhow. Dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay in maydadkaasi laga helay meelo kaymo ah oo ku agyaala xarumahaasi. Maydadka la helay ayaa inkastoo aan wali la ogaan cida ay yihiin balse waxaa la sheegay in la gartay dharka ay xirnaayeen.

Ciidamada Ethiopia ayaa xilliyadii ay howlgalada ka wadeen Muqdisho  waxaa ay qabqabteen dad ay qaarkood wadooyinka ka qabteen, iyo kuwo guryahoda ay kala baxeen, kuwaasoo ilaa haatan aan qaarkood la ogeyn meesha ay ku danbeeyeen.  Ma aha markii ugu horeysay ee maydad-qalfoof ah la hello, Dhawaan saldhigii ciidamada Ethiopia ay ku lahaayeen Xeradii ciidamada Asluubta ayaa laga helay tiro qalfoof mayd ah, iyadoo dhinaca kalena qaar ka tirsan gobollada dalka meello ay ka daganaayeen ciidamada Ethiopia laga helay tiro maydad Qalfoof ah.

xigasho: VOA 

Last Updated ( Saturday, 04 April 2009 13:33 )